Arbaco, 16 Jully 2025 {RC}Shirarkii siyaasadeed ee maalmahan ka socday magaalada Laascaanood ayaa maanta lagu heshiiyay, iyadoona is-afgarad balaaran laga gaaray dhismaha Maamul cusub oo ay si wadajir ah u yeeshaan beelaha wada dega gobollada Khaatumo iyo Maakhir.
Maamulka cusub ayaa lagu saleeyay qaab deegaan iyo degmooyin, wuxuuna ka koobnaan doonaa magaalooyinka: Ceerigaabo, Laascaanood, Badhan, Dhahar, Laasqoray, Xuddun, Taleex iyo Buuhoodle.
Ergooyinka dhisaya maamulka cusub ayaa gaaraya 311 xubnood, waxaana beelaha u kala heleen sidan:
Dhulbahante – 138 ergo
Mohamud Harti – 135 ergo
Fiqi Shini – 19 ergo
Suwaqroon – 4 ergo
Ahmed Harti – 2 ergo
Kaskiqabe – 2 ergo
Dir – 1 ergo
Madhibaan – 2 ergo
Geri – 3 ergo
Ugaaslabe – 4 ergo
Is-afgaradkan ayaa lagu tilmaamay mid dhabbaha u xaaraya dhismaha maamul rasmi ah oo mideeya beelaha deegaanka, isla markaana suurtagelinaya matalaad cadaalad ku dhisan, nabadgalyo iyo horumar.
Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo Guddiga Farsamada iyo dhismaha Baarlamaanka Maamulka cusub, si loo guda galo wejiga xiga ee maamulka dhismihiisa.