DFS oo ka hadashay dagaalkii ka dhacay Magaalada Dhahar ee G/Sanaag.

0
8

Arbaco, 16 Jully 2025 {RC}Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xuntahay dhacdo ay ku tilmaamtay nasiib darro oo ka dhacday degmada Dhahar ee gobalka Sanaag.

Wasaaraddu waxay dhanka kale tacsi u dirtay dadka halkaas ku geeryooday iyadoo caafimaad u rajeysay kuwa ku dhaawacmay.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada ku lugta leh rabshadaha in ay joojiyaan, sidoo kale bulshada deegaanka iyana waxaan ugu baaqaynaa daganaan iyo Xasilooni”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda

“Wasaaraddu, waxay si xushmad leh uga codsanaysaa Isimada Dhaqanka, Culimada iyo Waxgaradku in ay u istaagaan xakamaynta iyo soo afmcerista Xiisadda Dhahar lagana hortago dhacdooyinka nuucaan oo kale ah”, ayaa intaa lagu daray.

“Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa Madaxwaynaha Puntland in uu joojiyo falalka sii hurinaya colllaadda isla markaana uu dib u celiyo Ciidamada uu kasoo diray degmada Qardho kuwaas, oo loogu talo galay in ay Khawarijta ladagaalamaan balse nasiib darro loo weeciyay dano kale oo aan waxtar lahayn”, ayaa lagu yiri warqadda ay soo saartay dowladda