Qof shacab ah oo Hargeysa uhu dhintay dawo qaldan oo la siiyay.

0
7

Axad 13,July ,2025 {RC} Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland waxaa ku dhintay qof shacab ah oo qabay xanuunka macaanka, kadib markii la siiyay dawo hoos u ridaysa sonkorta xilli uu macaankiisu hoos u dhacay oo uu u baahnaa in sonkorta kor loo soo qaado.

Nin la yidhaa Hanad Kibaar ayaa qoraal uu ku baahiyay barta Facebook ku sheegay in dhakhtar ay saaxiibo yihiin oo la yidhaa Dr. Guleid Dugsiye uu u sheegay in nin farmasiile ah uu bukaan dilay kadib markii uu siiyay dawo khaldan, isaga oo soo tabiyay sheekadii uu la yeeshay Dr. Dugsiye.

“Xalay abbaaro laba-dii habeenimo ayuu ila soo hadlay mid ka mid ah dadka farmasiiyada magaalada ka furtay, isaga oo iga doonayay talo. Wuxuu yidhi: ‘Waar dhakhtar, bukaan baan la joogaa qaba macaan. Glucose-ku wuxuu marayay 50 mg/dL. Waxaan siiyay 10 unit oo insulin ah, dee glucose-ku wuu sii dhacayaa uu, wuxuuna gaadhay 20 mg/dL. Haddana toban kale ayaan sii siiyay, welina glucose-kii kor uma kacayo, afka ayuu immika xumbo iyo dhareer ka keenay. Maxaan sameeyaa? Sonkortii ma soo kacaysee?’” ayuu Dr. Dugsiye u sheegay Hanad Kibaar.

“Waar maanad igu odhan ninka glucose-kiisu wuu hoos ayuu u dhacay? Maxaad insulin kala doontay?” ayuu Dr. Dugsiye waydiiyay ninkii farmasiga haystay. Laakiin ninkii ayaa si deggan ugu jawaabay: “Manay insulin-tu sonkorta kor u qaadin?”

Dr. Dugsiye wuxuu u sheegay Kibaar inuu ku yidhi ninka: “Waar ninka waad dishee! Mar haddii uu koomo galay oo wax kala garasho aanu lahayn, waxaad siisaa dextrose si glucose-kiisu kor ugu soo noqdo – Dextrose 40% ama D5 la gaadh oo xididka ka sii.”

Intaa kadib waxaa la xaqiijiyay in bukaankii geeriyooday, isla markaana Dr. Dugsiye uu la hadlay qoyska marxuumka, balse qoysku waxay u sheegeen in ninka farmasiiga haystay oo ay dhakhtar u haysteen uu si weyn ula tacaalay bukaan-socodka, oo uu isku dayay inuu caawiyo, balse tii Eebbe timid oo uu dhintay.

Kadib markii warkani baraha bulshada ku faafay, waxaa arrinta ka war helay mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka oo hadda kiiska gacanta ku haya, iyaga oo sheegay in xarunta caafimaad ee qofku ku dhintay aanay oggolaansho ka haysan wasaaradda, isla markaana la xidhay.

“Wasaaradda Caafimaadku waxay caddeynaysaa in kiiskaasi uu jiro. Waxaanu ogaanay in bukaanka geeriyooday uu ahaa qof qaba xanuunka macaanka, ninka daawada siiyayna uu ahaa qof haysta shahaado xisaabeed oo aanu horey u ahayn dhakhtar,” ayuu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Axmed Saki Maxamuud Jaamac.

Inkasta oo baadhistu weli socoto, agaasimuhu wuxuu sheegay in eedaysanuhu yahay arday hadda dhigta culuumta caafimaadka, balse ku shaqeeya xisaab, isla markaana aan haysan ruqsad caafimaad.

Waxaa la sheegay in qaar badan oo kamid ah farmasiiyada magaalada Hargeysa aanay haysan ruqsad rasmi ah, taas oo ah khatar culus oo aan la dhayalsan karin, maaddaama dadka intooda badani marka hore u tagaan farmasiiyada halkii ay dhakhtar u tagi lahaayeen