Gudoomiye Muungaab oo afar Masuul xilka ka qaaday.

0
4

Axad 13,July ,2025 {RC} Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa wali wada is beddelo uu ku sameenayo agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee dowladaha hoose ee Xamar.

Wareegto uu xalay soo saaray Muungaab ayuu xilka uga qaaday afar agaasime waaxeed oo katirsanaa maamulka gobolka Banaadir, waxa uuna magacaabay agaasimayaal cusub oo beddelaya kuwii uu xilka ka qaaday, dadka uu magacaabay Muungaab ayaana u badan dhallinyaro waxbaratay.

Halkan ka akhriso agaasimayaasha la magacaabay iyo kuwa xilalka laga qaaday

1- Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada G/Banaadir. Waxaana xilkii laga qaaday Md. Maxamed Yuusuf Nuur.

2- Mudane Axmed Cabdisalaan Cusmaan waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Teknolojiyada iyo Logistikada G/Banaadir. Waxaana xilkii laga qaaday Md. Yuusuf Cabdi Calasoow.

3- Mudane Cabdirashiid Maxamed Xuseen, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Canshuuraha D/Hoose ee Xamar. Waxaana xilkii laga qaaday Marwo Sowda Xuseen Suudi.

4- Mudane Nuur Xuseen Xasan, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Suuqyada D/Hoose ee Xamar. Waxaana xilkii laga qaaday Maxamed Cabdi Cujub.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u rajeeyay mas’uuliyiintaan cusub uu magacaabay in ay dardargeliyaan howlaha shaqo ee loo idmaday.