Galmudug oo sheegtay in ay hayaan xogta dad ku howlan dhaca Shacabka.

0
6

Axad 13,July ,2025 {RC} Waxaa xalay Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug  laga sameeyey howlgal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga, kaasi oo uu hoggaaminayey Ku-simaha Duqa Degmada Gaalkacyo ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada, Eng. Maxamed Cabdi Cilmi, waxaana wehlinayey saraakiil ka tirsan laamaha amniga.

Howlgalkaan ayaa laga sameeyey qaar kamid ah xaafadaha magaalada iyo wadooyinka halbowleyaasha u ah isu socodka shacabka, iyadoo ujeedadiisu tahay ka hortagga kooxaha dhaca moobillada iyo kana shaqeynaya Qal Qal galinta Amniga magaalada.

Eng. Maxamed Cabdi Cilmi, Guddoomiye ku-xigeenka degmada, ayaa sheegay inay hayaan xog sugan oo la xiriirta kooxaha ku hawlan dhaca shacabka.

Sidoo kale Waxa uu tilmaamay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falal amni-darro, isagoo xusay inay ka go’an tahay sugidda Amniga iyo xasilloonida magaalada.