Sawiro;-Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed oo Daahfurtay Tababar ku Saabsan Nambareynta Imtixaanaadka

0
10

Talaado , 08 Jully 2025 {RC}Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed oo Daahfurtay Tababar ku Saabsan Nambareynta Imtixaanaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Gobaleedka  Koonfur Galbeed, Mudane Fadal Macalin Abdullahi, oo uu wehelinayo agasimah waxda imtixaandka iyo agasime waxedada  iyo qaar kamid ah Shaqalaha wasarada  ayaa  Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Baydhabo uga daahfuray tababar diiradda lagu saarayo nambareynta (coding) imtixaanaadka, kaas oo muhiim u ah habraaca nidaamka imtixaanaadka ee wasaaradda.
Tababarkan, oo ah mid sannadle ah, ayaa waxa si toos ah uga qayb qaadanaya shaqaale gaaraya 50 qof, kuwaas oo si xirfad leh u diyaarinaya nambarada kala duwan ee lagu aqoonsanayo ardayda u fadhiisatey imtixaannada shahaadiga ah.
Sannadkan, tirada guud ee ardayda ka qayb galaysa imtixaannada ayaa gaaraysa 15,140 arday, iyadoo ujeeddada nambareyntuna ay tahay in la xaqiijiyo hab cadaalad ah, loogana hortago khaladaadka iyo musuqmaasuqa suurtagalka ah inta lagu jiro qiimaynta natiijooyinka.
Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed ayaa dadaal weyn ku bixinaysa sidii loo xoojin lahaa hannaanka imtixaanaadka si loo helo nidaam waxbarasho oo hufan, daahfuran, kana tarjumaya cadaalad iyo sinaan loo siman yahay.