Maxaa manta ka socda SSC Khaatomo.?

0
7

Talaado , 08 Jully 2025 {RC} Waxaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka socota qaban qaabada shir looga hadlayo dhismaha dowlad goboleed ay yeeshaan gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Wasiir ka tirsan Maamulka SSC Khaatomo qeybna ka ah Guddiga qaban qaabada shirarkaan ayaa sheegay in ergo ka socda gobolka Sanaag ay ka qeyb galayaan shirarkaan.

Sidoo kale, guddiga ayaa u jawaabay hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo la xiriiray in Maamulka SSC Khaatumo ku ekaado deegaannada uu maamulo.

“Nolol haddii ay hesho Laascaanood, ma ahan in Garoowe khatar galeyso, waxaa jira been abuur shisheeyaha ka faafino SSC Khaatumo” ayuu yiri mid kamid ah Mas’uuliyiinta SSC Khaatumo.

Dhaqdhaqaaqyo ayaa ka socda gobolka Sanaag oo ay wada maamulaan Somaliland iyo Puntland oo mid kasta diidan yahay in la dhiso dowlad goboleed ay ku mideysan yihiin gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.