Talaado , 08 Jully 2025 {RC} Madaxweynihii hore ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle ahna Ku xigeenka Xog-hayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD, Maxamed Cabdi Waare, ayaa si adag uga hadlay xaaladda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo ku eedeeyay dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada qaar in ay ka jeesteen dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, isla markaana uu dagaalkii qaran ee kooxdaas lala galay kusoo ururay hal deegaan oo keliya.
Qoraal uu Waare ku daabacay bartiisa X (Twitter), ayuu ku muujiyay niyad-jab ballaaran oo la xiriira sida looga jeestay dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab, isagoo sheegay in kooxdaasi hadda fursad u heshay inay dib isu abaabusho, halka dowladda ay ku mashquulsan tahay arrimo Siyaasad ah.
“Sadex sano kahor waxaan iri ‘Waxaan kaga adkaanay Al-Shabaab dhanka dagaalka, Maanta, jawaabta way muuqataa,” ayuu yiri Waare.
Waare ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, oo uu sheegay in uu yahay meelaha kooban ee weli dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab si dhab ah uga socda.
Wuxuu xusay in maleeshiyada Al-Shabaab ay kasoo kala yimaadeen deegaanno fog sida Jubbaland iyo Koonfur Galbeed si ay xooggooda isugu geeyaan Moqokori taasoo muujinaysa sida ay kooxdaasi u aragto muhiimadda dagaalka halkaas.
“Uma muuqato in dalka intiisa kale uu ka jiro dagaal dhab ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, Dadka intiisa kale waxay u muuqdaan kuwo ka jeestay ama indhaha ka laabtay dhibka shacabka reer Hiiraan,” ayuu yiri Waare.
Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle wuxuu sheegay in ay si cad u muuqato in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uusan hadda ahayn mudnaanta koowaad ee dowladda ama saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya la leh iskaashi amni.
Maxamed Cabdi Waare wuxuu ku baaqay in la joojiyo waxa uu ku tilmaamay “mashquul siyaasadeed aan micno lahayn”, taas oo uu ku eedeeyay in ay carqalad ku tahay dagaalka Al-Shabaab.
“Wali waan aaminsanahay in Al-Shabaab la jabin karo. Laakiin taas waxay u baahan tahay in laga hortago khilaafaadka siyaasadeed ee la abuurayo, arrimaha la buunbuuniyo” ayuu yiri.
Ugu dambeyntii, Waare wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la helo qorshe mideysan iyo ujeeddo qaran oo ka dhaxaysa dhammaan hay’adaha dowliga ah iyo shacabka, si looga hortago handadaada ka imaanaysa Al shabaab.