Maxaa Ka Jiro in Puntland Xasaanadda Ka Xayuubineeyso Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Maamulkaas?

0
20

Axad, 06 Jully 2025 {RC} Maamulka Puntland ayaa ku howlan inay xasaanada ka qaadaan guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo lagu eedeeyay inuu doonayo inuu gobolka Sanaag ka gooyo Puntland.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay HOL ayaa sheegay in xildhibaano katirsan Baarlamaanka Puntland iyo guddoonkoodaba ay abaabulayaan mooshin xasaanadda looga xayuubinayo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo haatan ah xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland.

Kaddib marka laga xayuubiyo xasaanadda Baarlamaanka, Puntland waxay qorsheynaysaa inay dacwad kusoo oogto guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, sidoo kalena ay usoo jarto waaran maxkamadeed oo lagusoo xirayo.

Xildhibaan Cabdirashiid ayaa shalay isagoo tuute xiran kasoo muuqday tuulada Ceelbuh ee gobolka Sanaag, halkaas oo isaga iyo siyaasiyiin kale ay ka qaban qaabinayaan shirweyne beesha Warsangali ay ku tageerayso inay ku biiraan maamulka SSC Khaatumo, kuna dhawaaqaan in ay ka go’een Puntland.

Hase ahaatee, Puntland oo ciidamo geysay Ceelbuh ayaa joojisay shirkaas, inkastoo xildhibaan Cabdirashiid iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda gobolka Sanaag iyo Haylaan ay ku adkaysanayaan in shirkaas uu qabsoomayo, iyagoo sheegay dadka reer Sanaag inay xaq u leeyhiin inay masiirkooda ka shiraan kuna biiraan cidda ay doonayaan.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa ku eedeysay dowladda Federaalka Soomaaliya inay dabada ka riixayso siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Sanaag ee ka shaqeynaya Sanaag iyo Haylaan lagu biiriyo SSC Khaatumo.