Soomaaliya oo Walaac ka Muujisay in maalgelin Loo waayo Howlgalka AUSSOM.

0
2

Sabti, 05Jully 2025 {Rc}Dowladda Soomaaliya ayaa soo cusbooneysiisay baaqeedi ku aaddan kordhinta taageerada ay beesha caalamka siiyaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo maalgelin joogto ah oo ay ku bixiso howlgalka nabad ilaalinta ee muhiimka u ah xasilinta Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar ayaa baaqan jeediyay Khamiistii xilli uu socday kulan dhanka fogaan araga ah oo heer wasiir ah oo ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC), kaasoo diiradda lagu saarayay xaaladda ammaan ee Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Wasiir Cali Balcad oo la hadlayay wasiirada kale ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga xuntahay shilkii 2-dii bishii July ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo galaaftay nolosha shan askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Uganda, Wuxuuna tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen, dowladda Uganda, iyo guud ahaan Howlgalka AUSSOM.

Waxa uu xusay in taageerada ay ka heleen saaxiibada Afrika ay door ka qaateen dib u soo celinta dhulalka xagjiriinta, soo celinta adeegyada bulshada ee muhiimka ah, iyo dib u dhiska hay’adaha qaranka ee asaasiga ah.

Iyadoo AUSSOM ay hadda si buuxda u shaqa bilawday 1-da Luulyo iyadoo la raacayo habraacyada cusub oo ogolaanaya in loooso diro Soomaaliya 11,911 Askari, ayuu wasiir Cali wuxuu ku tilmaamay howlgalka inuu yahay ajendaha amniga qaranka ee Soomaaliya.

Waxa uu carabka ku dhuftay in ay diiradda saarayso ilaalinta rayidka, ilaalinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo taageeridda ciidamada Soomaaliya si ay uga jawaabaan khataraha ka imaanaya kooxaha Argagixisada.

Si loo dammaanad qaado sii jirista howlgalka, Wasiir Cali Balcad waxa uu ku baaqay in la qabto Shirweyne Maalgelineed oo AUSSOM ah, isaga oo soo jeediyay in mid kamid ah wadamada Khaliijku martigeliyaan.