Sawiro;-Madaxweyne Laftagareen oo Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macallimiinta Koonfur Galbeed

0
8

Sabti, 05Jully 2025 {RC}Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta si rasmi ah dhagax-dhigay xarun cusub oo loogu talagalay tababarista macallimiinta, taasoo laga dhisayo magaalada Baydhabo – caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Koonfur Galbeed, Marwo Zahra Cusmaan Axmed, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Mudane Xasan Maxamed Cabdikariin, Duqa Magaalada Baydhabo ahna Guddoomiyaha Degmada, Mudane Cabdullaahi Cali Watiin, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.
Xaruntan cusub ayaa noqon doonta mid muhiim u ah horumarinta tayada waxbarashada iyadoo lagu wado in lagu tababaro macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada Koonfur Galbeed. Xaruntu waxay ka koobnaan doontaa qaybo kala duwan oo casri ah, si loo helo macallimiin aqoon iyo xirfad leh.