Mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo Kulama Ka Wado Muqdisho.

0
18

 Sabti, 05 Jully 2025 {CBB} Xubnaha Beesha Caalamka ee C6+ iyo Madasha Mucaaradka ayaa shir ku leh xerada Xalane, iyagoo ka wada hadlaya xal u helidda khilaafka doorashooyinka.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo madaxda mucaaridka ay dhowaan kulan la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, balse aan la shaacin heshiis rasmi ah oo laga gaaray.

Afhayeenka Madasha mucaaridka ayaa sheegay in qodobo qaar la isla meel dhigay, hase yeeshee weli aan la gaarin heshiis buuxa, iyadoo qodobbada doorashooyinka ay weli khilaaf ka taagan yihiin.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in Madasha Samatabixinta ay Beesha Caalamka u gudbisay cabasho ku saabsan in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan dhab ka ahayn in la gaaro heshiis rasmi ah, balse uu doonayo in uu waqtiga iibsado.

Beesha Caalamka ayaa dadaal ku bixinaysa in la gaaro heshiis wadar ogol ah ka hor dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed oo hor leh.