Dowladaha Soomaaliya iyo Koofur Afrika oo ka hadlay dilalka dalkaasi loogu geeysto Ganacsatada Soomaaliyed.

0
3

Sabti, 05Jully 2025 {Rc} Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Pretoria ee dalka Koofur Afrika kula kulmay dhigiisa dalkaasi, Ronald Ozzy.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirkooda, gaar ahaan wada shaqeynta dhinacyada amniga, ganacsiga iyo fududeynta socdaalka.

Sidoo kale, labada dal ayaa adkeeyay in ay wada saxiixan doonaan heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan isku sococdka dadka, is dhaafsiga Baasaboorka diblomaasiga iyo kan shaqaalaha.

Wasiir Cabdisalaan ayaa tilmaamay in Dowladda Koofur Afrika uga mahad celiyay marti galinta Soomaalida ku ganacsada dalkaasi, isaga oo kala hadlay dhigiisa sidii loo yareyn lahaa caqabadaha ay dadkaasi la kulmaan.

Dhankiisa, Wasiir Lamola ayaa markale ku celiyay in Koonfur Afrika ay garab taagan tahay midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta is kaashiga labada wadan.