Jimco, 4 July 2025 {CBB}Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Mohamed Yasin, ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray degmada Baraawe kulan wadatashi oo muhiim ah oo diiradda lagu saarayay xoojinta Booliiseynta Bulshada Iyo Barmaamijka Wadajirka Boliiska2.
Kulankan waxaa Agaasimaha Guud ku wehliyay Guddoomiyaha Degmada Baraawe ahna Duqa Degmada Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed iyo Ku-simaha Taliyaha Saldhigga Booliska degmada. Kamtan Cusmaan Maxamed Xasan
Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Booliska, Maamulka degmada, qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin: Odeyaasha Dhaqanka, Culimada, Haweenka iyo Dhalinyarada degmada Baraawe.
Ujeedada kulanka ayaa ahayd in la xoojiyo wadashaqeynta ka dhaxeysa Booliska iyo bulshada si loo horumariyo amniga loona abuuro jawi isfahan iyo kalsooni ku dhisan.
Wasaaradda Amniga waxay mar walba ka go’antahay kor u qaadista xiriirka Booliska iyo shacabka si wadajir loogu gaaro nabad iyo xasilooni waarta.