Sawiro;-Diiwan-Gelinta cod bixiyaasha ee Doorashooyinka Qaranka oo ka bilaabatay deegaanada Koonfur Galbeed.

0
5

Khamiis 3 July 2025 {RC}Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qayb galay Munaasabadda Daah-furka Ololaha Diiwaan gelinta Codbixinta Deegaannada Koonfur Galbeed taasi oo maanta ka bilaabatay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Munaasabadda Diiwan-Gelinta ayaa waxaa ka qeybgalay Mudanayaal ka tirsan Goliyaasha maamulka Koonfur Galbeed xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen oo noqday Qofkii ugu Horeyey ee qaata Shahaada Diiwan-Gelinta Cod Bixiyaasha ayaa Bulshada Koonfur Galbeed kula Dardaarmay inay is Diiwan-Geliyaan kana qeyb qaatan Hanaanka Doorashooyinka Qofka iyo Codka.

 

Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa maanta si guud waxaa uga bilaabmay doorashooyinka qof iyo cod taas oo maalmihii lasoo dhaafay kasocotay degmooyinka gobolka banaadir.