Ciyaariyahan Caan ahaa oo ku Geeriyooday Shil Gaari

0
26

Khamiis 3 July 2025 {RC} Weeraryahanka Liverpool Diogo Jota ayaa geeriyooday kadib markii uu shil gaari ku galay dalka Spain.

Waxaa sidoo kale goobta ku geeriyooday walaalkiis ka yaraa Andre Jota oo isaguna ahaa ciyaaryahan heer caalami ah.

Diogo Jota oo ahaa 28 jir ah ayaa laba asbuuc ka hor guursaday, halka walaalkiis ka yar Andre Jota uu ahaa 26 jir.

Xiddigan geeriyooday ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxaha Wolverhampton Wanderers iyo Atletico Madrid.

Ciyaaryahankan ayaa naadiga Liverpool ku soo biiray sanadkii 2020 isagoo kula guuleystay horyaalka dalka Ingiriiska kal ciyaareedkii la soo dhaafay.

Xiddigan oo u dhashay dalka Portugal ayaa sidoo kale xulkiisa kula guuleystay koob waddamada Yurub ee (Nations League).