Maxeey AUSSOM Ka Yireen Diyaarad ay lahaayeen oo Ku Burburtay Garoonka Muqdisho?

0
10

Arbaco, 02 Jully 2025 {RC}Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya AUSSOM ayaa war kasoo saaray Diyaarad taabacsan Howlgalka ayna lahaayeen ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga kuna dhacday Garoonka magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

War kasoo baxay Holwglka AUSSOM ayaa lagu sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM ay ku soo dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, iyadoo ka soo duushay garoonka diyaaradaha ee Balidoogle.

“Saddex ka mid ah 8-dii qof ee rakaabka ahaa ee la socday diyaaradda ayaa isla markiiba la soo badbaadiyay, waxaana loola cararay isbitaalka taabacsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) si gurmad caafimaad loogu sameeyo.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay AUSSOM.

Waxaa hadda socda hawlgalo baadi goob iyo samatabixin ah oo lagu soo saarayo shaqaalihii iyo rakaabkii haray kuwaasi oo la socday diyaaradaan saakay ku dhacday Garoonka magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, maamulka duulista Hawada Soomaaliya ayaa bilaabay baaritaanno lagu ogaanayo waxa sababay shilkan, waxaana soo dhicitaanka diyaarada uu sameeyn kooban ku yeeshay shaqadii ka socotay garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Xasan oo warbaahinta Qaranka la hadlaayay ayaa tilmaamay in la xiray ilaa 600 oo mitir oo ah qeybta diraadaha ay ku ordaan xigtana dhanka Afasiyooni, maadaama halkaas ay ku soo dhaceen walxo la xiriira bur-burka diyaaradda.