Arbaco, 02 Jully 2025 {RC} Wargeyska New York Times ayaa warbixin uu baahiyay ku daahqaaday macluumaad fadeexad u horseedaya nidaamyada difaaca Mareykanka, kaddib markii wargeyska uu sheegay inuu Mareykanka adeegsaday dhammaan nidaayadiisa difaaca casriga ah si Israel uga difaaco gantaallada Iiraan, balse taasi ma horseedin in laga hortaggo burburka ka dhacay Tel aviv.
Nidaamyada , difaac ee ciidanka badda Mareykanka ee ku sugan bariga dhexe ay adeegsadeen 12 maalmood ee dagaalka socday , waxaa ka mid ah ; gantaallada difaaca SM-3, SM-6 iyo THAAD.
Maxay yihiin nidaamyadan difaac?
SM-3: Waxaa loo isticmaalaa in lagu burburiyo gantaallada ballistic-ga ee hawada sare maraya, kahor inta aysan soo gaarin bartilmaameedka.
SM-6: Waa gantaal difaac isugu jira anti-aircraft, anti-missile iyo xitaa anti-ship, wuxuuna leeyahay awood aad u ballaaran.
THAAD (Terminal High Altitude Area Defense) waa nidaam difaaca cirka ah oo ay soo saartay shirkadda Lockheed Martin ee Mareykanka. Waxaa loogu talagalay in lagu burburiyo gantaallada ballistic-ga ee kusoo wajahan bartilmaameedka, iyada oo la burburinayo xilliga ay hawada sare ku jiraan (endo-atmospheric iyo exo-atmospheric interception).