iskaashigii U dhaxeeyay Iiran iyo Qaar ka Mid ahHay’adda Caalamiga ah oo istaagay

0
10

Arbaco, 02 Jully 2025 {RC}

Madaxweynaha Iran ayaa si rasmi ah u oggolaaday go’aanka lagu joojinayo iskaashigii ka dhaxeeyay Iiran iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga,

Qoraal lagu daabacay Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa lagu sheegay in tillaabadani tahay jawaab celin iyo aargudasho weeraradii dhawaan Israa’iil ay ku soo qaaday dalkaasi.

Go’aankan ayaa yimid, xilli dalalka reer galbeedka iyo Israa’iil ay walaac ka muujinayaan in Iiraan hesho Awood iyo hubka Nukliyeerka.

Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga ayaa hore hubin iyo kor joogteyn ugu hayn jirtay xarruumaha Iiraan ay ku horumarineyso Nukliyeerka