Faah faahin:. Shil diyaaradeed oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde

0
11

Arbaco, 02 Jully 2025 {RC}Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Diyaarad nuuca qumaatiga u kacda oo ku dhacday meel u dhaw xeyn-daabka xirada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Muuqaalo la helay ayaa muujinaya uurada iyo qiiqa ka baxaya diyaarad oo wax yar ka hor isku dayday in ay ka soo degto Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Khasaare burbur iyo nafeed ayaa ka dhashay diyaarada, balse lama oga ilaa hadda inta uu la egyahay.

Hay’addaha Amniga iyo kuwa gurmadka degdega ayaa gaarey goob ayaa gaarey goobta diyaaradda ku burburtay, iyaga oo la tacaalaya xaaladda.

Weli wax war ah kama soo bixin dowladda Soomaaliya iyo howlgalka AUSSOM oo ilaaliya amniga xirada Xalane ee magaalada Muqdisho.