Talaado, 01 Jully 2025 {RC} Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ugu hambalyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 65-aad ee xuska maalinta xorriyadda.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in munaasabaddan qiimaha leh ay tahay fursad lagu xusuusto horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dadaalka nabadda iyo xasilloonida,
Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa shacabka Soomaaliyeed ku amaanay adkeysigooda iyo go’aankooda ku aaddan dhisidda mustaqbal ifaya.
Howlgalka AUSSOM ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo lagu tilmaamay geesiyaal si naf-hurnimo leh ugu shaqeeyay amniga dalka, kana hortagay falal xagjirnimo,
Howlgalka Midowga Afrika waxa uu sidoo kale bogaadiyay hoggaanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu sheegay inuu dalka ku hoggaamiyay waddo horumarineed isla markaana sare u qaaday sumcadda caalamiga ah ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn, AUSSOM ayaa sheegtay in ay adkeeynayso taageeradeedda buuxda ee ku aaddan dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto dhismaha nabad waarta.