Israa’iil oo amar ku bixisay inay dadku ka baxaan Gaza

0
3

Isiin 30 June 2025 {RC}Israa’iil ayaa ku amartay Falastiiniyiinta in ay isaga baxaan qeybo ka mid ah waqooyiga Qaza ka hor inta aan la kordhin dhaq dhaqaaqa militari, xilli madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu wado heshiis xabbad joojin ah.

Dadka ku nool xaafadaha magaalada Gaza iyo Jabalia ayaa loo sheegay inay u dhaqaaqaan dhanka koonfureed dhanka xeebta ee al-Mawasi iyadoo howlgallada militariga Israa’iil ay “xoojiyeen oo ay u badiyeen dhanka galbeed”.

Ugu yaraan 86 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil 24 saac ka hor duhurnimadii Axadda, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho. Saddex carruur ah ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerar lagu qaaday waxa loogu yeero “aagga nabdoon” ee al-Mawasi, waalidkood ayaa sheegay. Trump ayaa ku celceliyay baaqyada ah in “heshiiska lagu sameeyo Gaza” oo “la soo celiyo la haystayaashii”.