Xildhibaanada ka tirsan BFS oo ka qeyb galaya Aaska Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland

0
4

Axad 29-June 2025 {RC}Qaar kamid ah Xildhibaanada Labada Gole ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada kismaayo, si ay uga qayb galaan aaska Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Marxuum Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamud oo daqiiqaha soo socda la filayo in madkiisa la geeyo magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Xildhibanadan ayaa maamulka Jubbaland, Shacabka iyo guud ahaan qooyska Marxuumka uga tacssiyeeyey geerida ku timi Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland.

Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeenka Koobaad ee maamulka Jubbaland iyo masuuliyiin ay kamid yahay Xildhibaano katirsan Barlamaanka Soomaaliya, Qaar kamid ah wasiirada Jubbaland, iyo Masuuliyiin kale ayaa Magaalada Nairobi ee Dalka keenya kasoo sagootiyay Meydka alle haunaxariistee Marxuum Cabdiqaadir xaaji maxamuun madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Dowlad goboleedka Jubbaland oo Maanta lagu aasi doono magaalada kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.