Axad 29-June 2025 {RC}Kooxda Chelsea ayaa u gudubtay wareega siddeed dhamaadka ee Koobka Adduunka ee Kooxaha kadib markii ay 4-1 ku garaacday Benfica ciyaar ka tirsan wareega 16-ka oo la ciyaaray fiidnimadii Sabtida.
Chelsea ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay daqiiqaddii 64-aad iyadoo Reece James uu si toos ah u dhaliyay laad xor ah. Ciyaarta ayaa hakad gashay daqiiqaddii 85-aad muddo laba saacadood ah sababo la xiriira xaalado cimilo xun.
Markii ciyaarta dib loo bilaabay, garsooraha ayaa go’aan ku gaaray rigoore uu siiyay Benfica kadib la-tashi uu la yeeshay VAR, taasoo Ángel Di María uu gool ka dhigay daqiiqaddii 90+5, waxaana Benfica ay ciyaarta ka dhigtay barbaro.
Daqiiqaddii 92-aad ee waqtiga dheeriga ah, Benfica ayaa noqotay koox 10 ciyaaryahan ah kadib markii Bragança laga saaray garoonka, waxaana Chelsea goolka labaad u dhaliyay Christopher Nkunku daqiiqaddii 108-aad ee qaybtii labaad ee waqtiga dheeriga ah.
Pedro Neto ayaa goolka saddexaad u dhaliyay Chelsea daqiiqaddii 114-aad, halka Kiernan uu dhaliyay goolka afraad daqiiqaddii 117-aad.
Chelsea waxay la ciyaari doontaa kooxda Palmeiras wareega siddeed dhamaadka.