Axad 29-June 2025 {RC}Qaar kamid ah ciidamada Dowladda Puntland ee dhawaan ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad ayaa maanta sameeyey isu-soo-bax ballaaran oo ay ku muujinayaan cabasho ka dhan ah daryeel la’aanta caafimaad iyo mushaar la’aanta ay la kulmayaan.
Ciidamadan oo haatan lagu dabiibayo magaalada Boosaaso ayaa si cad u sheegay in aysan helin daryeel caafimaad oo ku filan, taas oo keentay dareen ah in lagu iloobay kadib dhaawacyadii ay ka soo gaareen dagaalka.
Mid kamid ah askarta dhaawaca ah ayaa sheegay in xanuunka uu dareemayo uu ka daran yahay dayaca iyo niyad-jabka ay ka qaadeen sidii loola dhaqmay markii ay dhaawacmeen.
Intaa waxaa dheer, askartu waxay sheegeen in mushaarkoodii uu hakad ku jiro muddo, taasoo si weyn u saameysay xaaladooda nololeed, iyagoo tilmaamay in qaarkood aysan awoodin inay iibsadaan daawooyinka lagula tacaalayo dhaawacyadooda.
Cabashadooda darteed, ciidanku waxay xireen qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee loo maro xarumaha caafimaadka, si ay u muujiyaan sida ay uga cabanayaan daryeel la’aanta.
Isu-soo-baxa ayaa noqday mid dareen badan abuuray, iyadoo la filayo in masuuliyiinta Puntland ay ka jawaabaan cabashada ciidamadaasi, kuwaas oo halgankii ay galeen dartii u dhaawacmay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan dadaallo lagu doonayo in lagu xalliyo tabashadooda, hase ahaatee illaa iyo hadda wax war rasmi ah kama soo bixin wasaaradda caafimaadka ama tan amniga ee Puntland.
Waxaa si weyn loo sugayaa in maamulka Puntland uu si degdeg ah uga jawaabo xaaladdan, si aysan u noqon mid dhaawac u gaysata kalsoonida ciidanka iyo niyadda guud ee Ciidamada safka hore.