Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shir Caalami ah oo Lagu Falanqeeyay Anshaxa Garaadka Macmalka

0
6

Sabti 28 june 2025 {RC}Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka (Global Forum on the Ethics of AI), kaas oo lagu qabtay magaalada Bangkok ee dalka Thailand.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii iskaashi caalami ah loogu heli lahaa nidaamyo lagu hago tiknoolajiyadda Garaadka Macmalka ah (AI), iyadoo laga dooday arrimo ay kamid yihiin anshaxa, amniga, iyo maamulka xogta.

Wasiir Axmed ayaa ka qaybgalay doodo dhowr ah oo ka mid ahayd mid sare oo la yiraahdo “Ministerial Dialogue on International Cooperation on AI”, taas oo ay kasoo qeybgaleen in ka badan 20 wasiir oo ka kala socday daafaha dunida. Dooddaasi ayaa lagu lafaguray sidii dalalka u wadaagi lahaayeen waayo-aragnimada ku aaddan maareynta iyo horumarinta AI-da.

Intii uu socday shirka, Wasiir Axmed ayaa khudbad ka jeediyay, isagoo ka warbixiyay tallaabooyinka dowladda Soomaaliya ay qaaday si ay ula jaanqaado isbeddelka dhijitaalka ah. Wuxuu sheegay in la diyaariyay Istiraatiijiyad Qaran oo dhanka dijitaalka ah oo socon doonta inta u dhaxaysa sannadaha 2025 illaa 2029. Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay socdaan sharciyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Xeerka Dhowrista Xogta, Xeerka E-Transaction-ka iyo Xeerka Amniga Seeybar-ka.

Dhinaca kale, Wasiir Axmed ayaa sheegay in la bilaabay dhismaha xafiis qaran oo gaar u ah arrimaha la xiriira AI-da, si loo helo siyaasad qaran oo lagu hago horumarka teknolojiyadda casriga ah.

Shirka ayaa sidoo kale fursad u ahaa Soomaaliya si ay uga qaybqaadato qiimeyn ay sameynayaan dalalka ku cusub maareynta AI-da, iyadoo la raacayo hagaha ay dejisay hay’adda UNESCO.

Wasiir Axmed ayaa ka mahadceliyay in Soomaaliya loo aqoonsaday mid kamid ah dalalka cusub ee fursadda loo siiyay in ay qiimeyn ku sameeyaan heerka ay ka joogaan diyaargarowga maamulka AI-da.

Shirkan oo socday muddo dhowr maalmood ah ayaa lagu soo gabagabeeyay in la dardargeliyo wadashaqeynta dalalka saboolka ah iyo kuwa horumaraya si loo hubiyo in Garaadka Macmalka ah u adeego danaha guud ee bani’aadamka.