Puntland oo gacanta ku dhigtay ceelka Shankaalooyinka.

0
4

Jimco, 27 June 2025 {RC} Ciidamada difaaca Puntland ayaa saaka si buuxda ula wareegay ceelka Shankaalooyinka oo ku yaalla togga Baallade ee buuraha Calmiskaad, gobolka Bari.

Deegaankan ayaa la sheegay inuu ahaa goob ay maalmihii u dambeeyay isu aruursanayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay deegaankaas kadib markii ay jab xoogan kala kulmeen gulufka dagaal ee socda.

Saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Puntland oo ku sugan furimaha hore ee dagaalka ayaa xaqiijiyay in hawlgal xooggan oo ay sameeyeen ciidamada difaaca lagu jabiyay maleeshiyaadkii firxadka ahaa, isla markaana gacanta lagu dhigay goobihii ay ku dhuumanayeen.

Waxay sheegeen in ceelka Shankaalooyinka uu ahaa xero ciidan, oo ay kooxdu u isticmaali jirtay saldhig iyo meel ay ku abaabulaan weerarro cusub.

Wararka laga helayo gudaha hawl-galka ayaa tilmaamaya in weerarkan uu ahaa mid ay ciidamadu si wanaagsan u qorsheeyeen, isla markaana uu isugu jiray weerar dhanka dhulka ah iyo mid cirka ah.

Tani waxay muujinaysaa sida ciidamada Puntland ugu diyaarsan yihiin in ay si buuxda u baabi’iyaan xubnaha firxadka ah ee kooxda Daacish ee weli ku dhuumaaleysanaya buuraha gobolka Bari.

Hawl-galka Calmiskaad oo haatan maraya wejigii afraad ayaa la sheegay in laga gaaray guulo la taaban karo. Dowladda Puntland ayaa shaacisay in illaa 98% la xaqiijiyay guusha hawl-galkan, iyadoo haatan si rasmi ah loogu guda jiro sifaynta guud ee deegaanka, si loo ciribtiro dhammaan firxadkii ka haray kooxdaas.

Inta badan firxadka kooxda Daacish ee la jabiyay ayaa la rumeysan yahay inay ku go’doonsan yihiin meelo kooban oo ku teedsan buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay u ku wajahayaan duqeymaha iyo cadaadiska joogtada ah ee kaga imaanaya ciidamada dowladda.

Guusha laga gaaray ceelka Shankaalooyinka ayaa noqonaysa mid kamid ah tallaabooyinka ugu muhiimsan ee lagu jabiyay kooxda Daacish ee ka howlgali jirtay gobolka Bari, waxayna sare u qaadeysa kalsoonida shacabka iyo tayada dagaalka ay wadaan ciidamada difaaca Puntland, iyadoo dowladdu mar kale ku celisay sida ay uga go’an tahay soo afjarida kooxaha argagixiso Daacish iyo AS.