Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay walaac xooggan ka muujinaysaa hannaanka loo marayo xulista xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka.
Xulista xubnaha Guddiga oo ka mid ah Guddiyada Madaxabannaan ee dastuuriga ah ayaa si cad u baal marsan qodobada 41aad iyo 111b ee Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah oo dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu dhiso guddi Xuquuqda Aadanaha u qaybsan oo ka madax bannaan maamulka Dawladda, ahaadana mid loo dhan yahay.
Sidoo kale xulista xubnaha Guddiga ayaa si cad uga soo horjeeda Sharci Lr. 16 ee soo baxay 27kii bishii Juun Sanadkii 2016 oo lagu dhisayo Guddiga, gaar ahaan qodobkiisa
15aad oo faahfaahinaya habraaca loo marayo tilaabadda koobaad ee lagu soo xulayo xubnaha Guddiga ku meelgaarka ah ee soo xulaya Murashaxiinta u tartamaysa Guddiga.