Xarardheere; Alshabaab oo weeraray gaari marayay duuleedka Xarardheere.
Ururka Alshabaab ayaa weeraray gaari uu la socday Injieer lagu magacaabo Abdirizak Mohamed Adan, xilli uu marayay inta u dhaxaysa Xarardheere iyo Ceelhuur sida ay noo sheegeen Maamulka dagmada Xarardheere.
guddoomiye ku xigeenka Dagamada xarardheere ahna ku simaha Guddoomiyaha oo aan la xariirnay ayaa Warbaahinta Radio Cadaado u xaqiijiyay dhimashada Darawalkii gaariga iyo dhawaaca caawiyhii injineerka, Guddoomiye Mohamed Abshir Jiirow ayaa sidoo kale noo xaqiijijay inuu weerarkaas ka badbaaday Abdirizak oo ka tirsan wasaraada biyaha iyo tamarta Galmudug., wuxuuna yiri ” Ururka Arxanka daran ee shabaab ayaa weeraray Gaariga Injineerka, Darwalkii wuu dhintay, Cawiyihiina Dhaawac culus oo gaaray ayuu gadaal uga dhintay, waxaan u tacsiyadaynaynaa dhamaan dadka reer Galmudug, waxaana u soo jeedinayaa inaan dhinac uga so wada jeesano nimankaan arxanlaawayaasha ah ee maalinba midkii bulshada caawinaya weeraraya, Injineerku Hobyo ayaa loo qaaday oo uu joogaa, illahay ha ilaaliyo”.
Ururka Alshabaab ayaa sacaado ka hor weerarkaas ku daabacay bartooda telegram-ka, iyagoo sheegay in bartilmaameedkoodu ahaa Engr Abdirizak Mohamed Adan