Axad 13, April-2025 {RC} –Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlada Gobaleedka KGS Mudane Said Ahmed Ali ayaa kulan muhim ah la qaatay Madax sare oo ka socotay Hay’adda #MSF-Somalia oo uu hogaaminayey Madax hay’adda ugu sareeya ee Bariga Africa Dr Abubakar.
Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa wasiirka ku weheliyay Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka DGKGS Mudane Dr ibrahim Adan Ali Soomow, isku duwaha wasaaraddu Caafimaadka Gobolka baay Mudane Abdirashid Osman Adan iyo qaar kale oo ka tirsan Howlwadeenada Wasaaradda Caafimaadka.
Shirkan ayaa inta uu socday waxaa la isaga xog-wareeystay adeegyada caafimaad ee baaxadda leh ay Hay’addu ka waddo Guud ahaan KGS iyadoo ay kaashaneyso Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada DKGS iyo xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.
Madaxda Hey’adda MSF ayaa dhankooda bogaadiyay Wadashaqeynta Wasaaradda iyagoona balanqaaday kordhinta Adeegyada Dareelka bulsho, isla markaana hoosta ka xariiqay diyaar ahaanshahooda ka jawaabista xaaladaha Deg-degga ah, sida Shuban biyoodka iyo cudurada faafa.