Sabti 12, April-2025 {RC} –Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, alifleyda, dableyda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, xuska 65 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku beegan maanta oo kale 12-ka Abriil.
Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin difaaca qaranimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, laga soo bilaabo markii la aas-aasay 12-kii Abriil, sanadkii 1960-kii, ilaa maanta oo ay si geesinimo leh ugu adeegayaan dadkooda.
“Ciidanka Xoogga Dalka waa geesiyaal naftooda u hura difaaca dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed. Alle waxaan uga baryayaa inuu aqbalo shahaadadooda, kuwa dhaawacanna uu siiyo caafimaad degdeg ah.” ayuu yirii Wasiirka.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo si buuxda u taageeraya dagaallada ka dhanka ah Daacish iyo AS.