Sabti 12, April-2025 {RC} – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xiriirka kala dhaxeeya Itoobiya uu mar kale deggan yahay, bilooyin kaddib markii heshiis badeed oo dhex maray Addis Ababa iyo Somaliland uu sababay mid ka mid ah khilaafaadka diblomaasiyadeed ee ugu xumaa sanado badan ee ka dhex dhaca labada daris ee Geeska Afrika.
Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa hadalkan ka sheegay Jimcihii madasha Antalya Diplomacy Forum ee ka dhacday dalka Turkiga.
Wuxuu xusay in labada dowladood ay hadda ka shaqeynayaan soo celinta wada-shaqeyntii hore. “Waxaan la leenahay Itoobiya xiriir adag,” ayuu yiri Balcad. “Soomaaliya oo xasilloon waxay faa’iido u tahay Itoobiya, Itoobiya xasilloonna waxay faa’iido u tahay Soomaaliya.”
Hadalka Balcad ayaa yimid in ka badan sanad kaddib markii Itoobiya ay 1-dii Janaayo 2024 saxiixday is-afgarad muran dhaliyay oo ay la gashay Somaliland, kaasoo u oggolaanaya inay muddo 50 sano ah ka faa’iideysato marin badeed 19-kiloo mitir ah oo ku yaalla agagaarka Berbera.
Heshiiskaas ayaa sidoo kale watay qodob muujinaya suurta-galnimada in Itoobiya ay aqoonsato Somaliland oo ah gobol iskii ugu dhawaaqay madax-bannaani, inkasta oo aysan jirin dal ka tirsan Qaramada Midoobay oo ilaa hadda si rasmi ah u aqoonsaday.
Iyadoo cadaadis uga imanayay beesha caalamka, gaar ahaan dalalka Turkiga iyo Maraykanka, waxaa la bilaabay wadahadallo u dhexeeyay Muqdisho iyo Addis Ababa, kuwaas oo lagu soo afjaray heshiiskii Ankara ee la gaaray 12-kii Diseembar 2024.
Heshiiskaasi wuxuu caddaynayay in labada dhinac ay ixtiraamayaan madax-bannaanida midba midka kale, isla markaana uu dhigayay saldhig rasmi ah oo loogu gogol xaarayo wada-hadallo mustaqbalka ah oo ku saabsan rabitaanka Itoobiya ee marin badeed sharci ah oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.
Hadallada Balcad ayaa u muuqda kuwo dib u furaaya dariiqii diblomaasiyadda kadib markii Soomaaliya si kulul ugu eedeysay Itoobiya in ay ku xadgudubtay madax-bannaanideeda. Bishii Janaayo, Itoobiya ayaa la saxiixatay Somaliland is-afgarad u oggolaanaya inay isticmaasho marin badeedka Badda Cas, taasoo beddelkeeda suuragal ka dhigi karta aqoonsi ay siiso Somaliland.
Tallaabadaas ayaa si weyn waxaa u cambaareeyay dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna sababtay in si ku-meel-gaar ah loo hakiyo wada-shaqeyntii labada dhinac, oo ay ku jireen iskaashigii milatari iyo xiriirkii diblomaasiyadeed.
Khilaafkaasi wuxuu walaac weyn ku abuuray xulafada reer Galbeedka, oo ay ku jiraan Mareykanka, kuwaas oo ka digay in xasillooni darrada labada dal ay wiiqi karto howlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda gobolka, isla markaana ay dhiirrigelin karto kooxo xagjir ah sida Al-Shabaab.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa taariikh ahaan iska kaashan jiray la dagaallanka argagixisada, gaar ahaan koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ciidamada Itoobiya door muuqda ku leeyihiin.
Si kastaba, calaamado muujinaya is-faham dib u soo laabanaya, Soomaaliya ayaa oggolaatay in Itoobiya ay qeyb ka noqoto ciidanka cusub ee nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kaasoo beddelaya howlgalka ATMIS ee lagu wado in uu dhammaado. Dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya u oggolaatay inay soo dirto 2,500 askari oo ka mid noqonaya ciidamada AUSSOM.