Ciidanka xoogga dalka oo udabaal-dagaya 65-Guuradii kasoo wareegatay Aas’Aaskoda.

0
14

Sabti 12, April-2025 {RC} – Maanta oo ay ku beegan 12-ka Bisha April waxaa ay ku asteysan tahay 65-guuradii kasoo wareegtay maalimtii la Aas’aasay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,in kastoo maanta dalka aysan ka jirin wax dabaaldeg ah.

Xilligaan oo kale ayaa meelo badan oo kamid ah ayaa waxaa lagu qaban jirey munaasabado loogu dabaal-degayo Aas’aaska Ciidanka xoogga dalka,hayeeshee sanadkaan aan la qabaneyn sababo la xiriira dagaal culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab oo ka socda qeybo ka mid ah dalka.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeral Odawaa Yuusuf Raage ayaa hambalyo u direy Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,isaga oo sheegay in aysan jiri doonin munaasabado loogu dabaal degayo Maalinta Ciidanka xoogga dalka.

Ciidanka ayaa soo maray marxalado kala duwan, iyadoo mar lagu magacaabi jiray Libaaxyada Afrika. Ciidamada oo ka kooban ciidanka dhulka, cirka iyo badda, ayaa waxaa lagu aasaasay tiro kooban.

Ciidamada xoogga dalka waxaa lagu aasaasay siddeed horin oo ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya, halkii horin waxaa lagu qiyaasaa 100-120 askari. Dagaalkii 1977 ay la galeen Itoobiya ayaa ahaa dagaalkii ugu horreeyay ee dal deris ah ay la galaan.

Ragga ugu cadcaddaa ee lagu bilaabay ciidanka xoogga dalka waxaa ka mid ahaa janaraal Daa’uud Cabdulle Xirsi, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, Cali Samatar, janaraal Salaad Gabeyre iyo madaxweynihii hpre ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Burburkii dalka kaddib waxaa la sheegay in dhibka ugu weyn uu soo gaaray ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo waayay taageero dowladeed.