Somaliland oo sheegtay inay ka hor tageyso safarka RW xamse ee laascaanood

0
24

Talaado, 08 Abriil 2025 {RC} Xukuumadda Somaliland ayaa ka digtay safarka uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ku tagayo magaalada Laascaanood, iyada oo sheegtay in Laascaanood ay ka mid tahay dhulkeeda, isla markaana aanay ogolaan doonin in Xamse Cabdi Barre yimaado.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo la hadlay warbaahinta, ayaa safarka Ra’iisul Wasaaraha ku macneeyay mid colaad abuur ah, islamarkaana uu doonayo in uu xasaradaha ka jira Soomaaliya usoo raro Somaliland.

“Wax kasta oo ay nagu qaadato, waxa naga go’an in aan difaacno qaranimadeenna iyo xuduudahayaga. Nabadda raadinteedu tamar-darro nagama aha… Waxa naga go’an fitnada aad abuurayso in aan xoog iyo xeeladba kaga hortagno,” ayuu yidhi Wasiir Ayaanle.

Wasiirku waxa uu wax aan suuragal ahayn ku tilmaamay qorshaha ay sheegtay dowladda Soomaaliya ee ah in doorasho qof iyo cod ah laga qabto deegaano ka tirsan Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, isaga oo sheegay in doorasho laga qaban karo oo keliya deegaan nabdoon isla markaana aanu sugnayn amniga deegaanadan.

Wasiir Ayaanle waxa uu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha in aanu tegi karin maamulada Puntland iyo Jubbaland, oo uu si gaar ah u matalo, sida uu sheegay, isla markaana halkii uu xal uga raadin lahaa colaadaha ka taagan dhulkaas, uu doonayo inuu xasarad kale la yimaado Sool.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu safar ku tagayo magaalada Laascaanood. Safarkan oo ay dowladda Soomaaliya ku tilmaantay mid lagu xoojinayo midnimada Soomaaliya, ayaa waxa si diirran u soo dhaweeyay maamulka SSC-Khaatumo.