Talaado , 08 Abriil 2025 {CBB}Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gargaarka Maareynta Masiibooyinka Dowladda Goboleedka KGS Mudane Cabdullahi Isxaaq Ganey ayaa Maanta Xaruunta Wasaaradda Shir kula yeeshey Madax ka socota Hay’adda Save the children ayaa kala hadley Arrimaha Gargaarka bani’adanimada iyo sidii loo xoojin lahaa caawinta Dadka taabaleysan ee saameynta ku yeeshey Isbadelka Cimilada .
Wasiirka Ganey ayaa Hay’adda Save The Children ugu mahadceliyey sida mar walba uga garabsiineyso Caawinta Dadka danyerta ah ee ku nool Degaanada Koonfurgalbeed.