Talaado, 08 Abriil 2025 {RC} Wasiirka Caafimaadka Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Cali Xaaji Aadam ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay geerida Allaha u naxariistee dhimashada Jeneraal Sheegow Axmed Cali.
Wasiirka ayaa ugu horreyn tacsi u diray dhammaan qoyska iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Jeneraal Sheegow.
Wasiir Cali ayaa sheegay in Jeneraalka muddo uu la xanuunsanayay xanuunka Cagaarshowga taasi oo sababtay inuu geeriyoodo.
“Allaha u naxariisto Jeneraal Sheegow, waxaa uu qabay cudurka Cagaarshowga Hapitaites B, Beerkii ayaana shaqeyn waayay uuna bararay, intaasi ayay dhaqaatiirta noo sheegeen balse xogta rasmiga ah dhawaan ayay soo saari doonan Isbitaalka” ayuu yiri Wasiir Cali.
Madax kala duwan ayaa saacadahii la soo dhaafay ka tacsiyeynaysay geerida Allaha u naxariistee Jeneraal Sheegow 10 xabsi ah lagu xukumay 2023, markaasi oo askar taabacsaneyd iyo kuwa dowladda ay dagaalameen.