Danjiraha Midowga Yurub oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxda Galmudug iyo Hirshabeelle

0
22

Talaado, 08 Abriil 2025 {RC} Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelatay qaar kamid ah Madaxda dowlad goboleedyada ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa si gaar ah ula kulantay Madaxweyneyaasha Hirshabelle, Cali Guudlaawe Xuseen iyo Galmudug, Axmed Cali Kaariye Qoorqoor, iyaga oo ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka sida siyaasadda iyo dagaalka AS.

Danjiraha ayaa sheegtay in ay muhiim tahay sii wadadi wada hadallada iyo xallinta caqbadaha taagan ee la xiriira dagaalka AS iyo arrimaha siyaasadda.

Kulamadan gaar gaarka ah ayaa ku soo aadaya xilli xubnaha Beesha caalamka ay taageereen gogosha Madaxweyne Xasan Shiikh, iyadoo si wadajir ah looga shaqeynayo sidii loo dardar gelin lahaa heshiisyada iyo qorshayaasha ka socda Soomaaliya.

Xubnaha beesha caalamka ayaa sidoo kale ku baaqay dardar galinta gogosha Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, kaasoo loogu talagalay in lagu xalliyo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab (AS)

Kulamadaasi ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin xoojinta wada shaqeynta dheeri ah ee ka dhaxaysa dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada, iyo beesha caalamka, si loo gaaro xasilooni siyaasadeed iyo amni