Weerar hoobiyeyaal ah ayaa ka dhacay agagaarka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho sida ay dadka deegaanka u sheegeen Idaacadda Risaala.
Dhowr Hoobiye oo laga soo riday meel ka baxsan gudaha xerada ayaa ku dhacay, ilaa iyo 4 hoobiye ayaa la sheegay in halkaasi ay ku dhaceen.
Dadka goob joogga ahaa ayaa soo wariyay in hoobiyeyaashu ay ku dhaceen dhowr meelood oo kala duwan.
Wali si rasmi ah looma ogaan karo khasaaraha ka dhashay maadaama goobta ay wax ku dhaceen durbadiiba ay xireen Ciidanka.
Sidoo kale Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay taliska Midowga Afrika ee AUSSOM iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowr mar weeraro sidan oo kale ah ku qaaday gudaha xerada Xalane.
Xalane waa xero ciidan oo ay ku yaalaan xarumo muhiim ah, sida safaarado, xarumo hay’ado caalami ah iyo kuwa amni oo ay leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM.