Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka oo faafaahin ka bixiyey dilka taliyihii guutada 14-ka October

0
9

Axad, Abriil 06, 2025;{HMC} Axad, Abriil 06, 2025;{HMC} Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow oo wareysi siiyay Shabelle Tv ayaa ka hadlay dilkii shalay loo loo gaystay Alle ha u naxariistee Nuur Maxamed Gaabow (Nuur Farey) oo ahaa taliyihii guutada 14-ka October oo lagu dilay gobolka Shabeelaha Hoose.

Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa shaaca ka qaaday xog ku aadan dhacdadaasi, wuxuuna tilmaamay inuu jiro isku milan ciidanka iyo cadowga, taasina ay fursad siineyso Al-Shabaab.

Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xusay halista soo korortay ay keentay marxaladda dagaal ee haatan lagu jiro, wuxuuna ku baaqay in la muujiyo feejignaan dheeri ah, si looga taxadaro dhagarka kooxaha Khawaarijta.

“Waan ognahay xilliga lagu jiro maanta waxaan kala soocneen cadowgii iyo ciidanka ayaa is dhex-galaya, sababtuna ay tahay marxaladda lagu sugan yahay oo aan ciidanka gudihiisa ay ka imaan karto inay soo galaan wax u adeegaya cadowga” ayuu yiri taliyihii hore.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Weli xog ma dhab ah ma hayno, waayo ninku ma ciidan ayuu ahaa ma nin lasoo adeegsaday oo ciidanka ahayn ayuu ahaa waxa dhan waxay kala cadaan doonaan marka ay soo dhammaato baarista hadda la galay”.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay dilka loo gaystay Taliye Nuur Farey wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu ahaa sarkaal dhalinyaro ah oo geesi ah, una soo shaqeeyay qaranka.

“Nuur Farey wuxuu ahaa nin in muddo ah ciidanka ku dhex jiray, geesi ahaa, waana ka xumahay dilka loo gaystay’ ayuu mar kale wareysiga ku yiri Ibraahim Sh, Muxyadiin.

Alle ha u naxariistee taliyaha ayaa goortii la dilay ku sugnaa xerada guutada Cumar bin Khadaab, ninka dilay ayaa ka soo dhex baxay ciidankaas, wuxuuna ku lebisnaa tuutaha ciidamada Xoogga dalka.