Al-shabaabka lagu jebiyay dagaalka Hirshabelle oo la sheegay in ay buux dhaafiyeen deegaano ka tirsan KGS.

0
5

Wararka ka laga helayo deegaanada KGS ayaa sheegaya In maleeshiyaadka Al-shabaab ee lagu jebiyay dagaalka ka socda Hirshabelle ay buux dhaafiyeen deegaanadaasi, sida ay xaqiijiyeen saaraakiisha ciidamada dowladda.

Maleeshiyaadka kooxda oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkay deegaano ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool, taas oo keentay in cabsi ay dareemaan dadka deegaanka.

Taliyaha Qeybta 60-aad Ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Xasan Isxaaq Cumar ( Xasan Baydhabo)ayaa sheegay in Al-Shabaabka lagu soo jebiyay dagaalka ka socda deegaanada Hirshabelle ay u soo Jabeen deegaanada Koofur galbeed, isagoo sheegay in heegan sare laga geliyay ciidamada, si ay ugu hortagaan dhaq dhaqaaqa maleeshiyaadka Al-shabaab.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ay buux dhaafiyeen deegaanada KGS ay tahay kadib markii dowladda Soomaaliya kooxda cir iyo dhul laga duqeeyay, iyadoona weli howlgalo culus ay ka socdaan dalka