Masuuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin Barnaamijka ka hortaga argagixisada ee ay saameysay xanibaada gargaarka ee Mareykanla sida gargaarka, kaasi oo loogu tala galay in lagula tacaalo khatarta ammaanka sida uu qoray Wargeyska Washington Post.
Xubnahan uu soo xigtay Wargeyska ayaa sheegay in arrintan ay ka dhigan joojintooda mid ay khatar ku tahay Mareykanka iyo xulafadiisa caalamiga ah.
Wargeyska ayaa xogtiisa ku sheegay in joojinta barnaamijyadan ay halis gelin karto danaha Mareykanka oo ay ku jirto ammaanka boqollaal ka mid ah ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya,
Arrintan ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay xiligan wajahayaan caqabado isa soo taraya marka loo eego kororka dhaqdhaqaaqyada kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab.
Wargeysku waxa uu sheegay in xannibaadda gargaarka ay sababtay foowdo saldhigyada ku tiirsanaa taageerada Maraykanka, iyadoo qandaraasleyaashii ka shaqaynayey saldhigyada ciidamada Soomaaliya ay si lama filaan ah uga baxeen, kadib markii ay hakad ku yimaaddeen sahaydii iyo agabkii ay u baahnaayeen ee Maraykanku bixin jiray, waxaana ay taas sidoo kale saameyn doontaa 400 oo askari oo ka tirsan ciidamada Soomaalida ee Mareykanka uu tababaro.
Warbixinta Wargeyska ayaa xaqiijinaya in joojinta sii socota ee gargaarka USAID ay wiiqi karto dadaallada lagu horumarinayo awoodda ciidamada Soomaaliya ee lagula dagaallamayo argagixisada.