Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo markale kulan ku yeelanaya Turkiga

0
21

Wafdiga ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga uga qeyb galaya wajiga koowaad ee wada hadallada farsamo ee kala dhaxeeya Dowladda Itoobiya ay tageen magaaladaasi.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa X wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa waxaa uu sheegay inuu qeyb ka yahay wafdiga Dowladda ee wada hadalaan uga qeyb galaya magaalada Ankara waxaana lagu doonayaa in lagu sii dardar geliyo hirgalinta qodobadii ka soo baxay heshiiskii hore ee ka dhacay Magaalada Ankara.

“Waxaan qeyb ka ahay Wafdiga Soomaaliya ee u yimid Ankara si aan uga qeyb galno wejigii koowaad ee wada-hadallada farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ujeeddadiisu tahay sahminta sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskii Ankara”.’ Ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Wajigaan ay isku arki doonaan guddiyada farsamo ee labada Dowladood ay iska soo xuleen ayaa diirada saari doono sidii ay Dowladda Itoobiya u heli lahayd marin biyood ganacsi oo ay Dowladda Soomaalita ku kormeeri doonto.

Wasiirka ayaa sidoo kale qoraalka waxaa uu intaasi uu ku daray”Soomaaliya waxa ay xoogga saareysaa Nabadda, adkeynta hannaanka diblumaasi oo ku dhisan is afgarad iyo is ixtiraam”

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kulamo kala duwan ka yeeshay wixii ka dambeeyay Deseembar 2024 oo wadahadal ay isugu soo dhawaadeen labada Dal ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.