Ciidamada Booliska Somaliland oo howlgallo sameeyay ayaa ugu dambeyntii gacanta kusoo dhigay laba wiil oo loo hayto in Hooyadood ay ku dileen deegaanka Habeedley ee magaalada Burco.
Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Aamina Yuusuf Ismaaciil, waxayna ahayd hooyo da’ah oo ifka uga tegtay labada wiil iyo hal gabar.
Eedeysanayaasha ayaa waxaa haatan ku socda baaris, sida uu shaaciyay sarkaal sare oo ka tirsan Booiska Soomaaliyeed oo faah-faahin ka bixiyay howlgalka ay sameeyeen.
Dhacdadan ayaa argagax ku reebtay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale si weyn looga hadal hayaa warbaahinta iyo baraha bulshada, maadaama ay tahay dhacdo xanuun badan.