Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xalay Magaalada Baydhabo ka sameeyey Howlgal lagu xaqiijinaayo Amniga Magaalada.
Ciidanka ayaa baaritaano ku sameeyey Gawaarida iyo mootooyinka isticmaala Wadooyinka Magaalada.
Inta uu howlgalka socday ayaa taliyaha Ciidanka Nabadsugida Gobolka Baay Abdifatah isxaq Adan ayaa kormeeray Goobaha Ganacsiga Magaalada asagoona Ganacsatada ku booriyey ka shaqeynta amniga guud ee Magaalada.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-