Ciidamada Itoobiya oo dhaq-dhaqaaqyo milatari ka bilaabay gobolka Gedo

0
15

 Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ay ka wadaan ciidamada Itoobiya ee dhowaan ka soo talaabay xadka labada dal.

Ciidamada ayaa isku fidiyay aagga degmada Doolow, halkaas oo ay ka bilaabeen howlgallo ay ku baarayaan dadka iyo gaadiidka.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ay ku arkeen duleedka degmada Doolow, ayna isku ballaariyeen deegaanada dhaca xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan gobolka ay ka jirto xiisad culus oo u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland.