Madaxweynaha Jubbaland ee aysan aqoonsaneyn dowladda Federaalka Axmed Maxamed Islaam ayaa Maxamed Xuseen Isaaq Al-Qaadi u magacaabay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Gedo.
Tallaabadan ayaa timid, kadib markii uu Guddoomiyaha Gobalka Gedo ee taageersan dowladda Federaalka Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir uu shalay Guddoomiyaha degmada Beledxaawo u magacaabay Shire Cabdullaahi Xasan Keynaan.