Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii meel mariyay qaraar dib loogu cusboonaysiinayo cunaqabateynta ka dhanka ah Al-Shabaab waxaana la gaarsiiyay ilaa 28-ka Feb, 2025.
Qaraarkan oo ay soo gudbisay dowladda Ingiriiska ayaa waxaa si aqlabiyad leh u ansixiyay xubnaha golaha ammaanka oo ka kooban 15 dowlad.
Waxay sheegeen dowladaha Gollaha amaanka inay xayiradda Al-Shabaab kahor tagayso hubka sharci darrada ah ee la soo dejiyo, mamnuucidda dhoofinta dhuxusha oo dhaqaale badan ka helaan, iyo joojinta qaybaha laga sameeyo walxaha qarxa.
Tallaabooyinka cunaqabateynta ayaa imaanaya iyadoo uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS bishan, lana qorsheeyay inuu bilowdo mid cusub oo Masar ay qeyb ka tahay bisha 1aad ee sanadka 2025.
Soomaaliya ayaa sanado badan waxaa hareeyay amni darro, iyadoo khataraha ugu badan ay ka imaanayaan Al-Shabaab iyo Daacish.
Tan iyo 2007, al-Shabaab waxa ay la dagaalamaysay dowladda Soomaaliya iyo ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo kooxda wali gacanta ku hayso dhul badan.