Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay dagaalka ka socda aagga Raaskambooni ee u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland.
Wasaaradda ayaa sheegtay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada daraawiishta Jubbaland oo ay tilmaamtay inay weerareen fariisimaha ciidamada la geeyay halkaasi.
Sidoo kale waxa ay ku eedeysay madaxweyne Axmed Madoobe in uu xiriir la sameeyay Al-Shabaab, isla markaana ciidamadiisa ay soo dhex-mareen maleeshiyaadka kooxdaasi.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-
Subaxnimadii hore ee saakay ayaa koox ka tirsan Ciidanka Jubaland oo uu si qaldan u isticmaalay Axmed Madoobe waxaa ay soo weerareen fariisin Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin Gobalka Jubada Hoose.
Ciidamada uu soo weeraray Axmed Madoobe ayaa ahaa Ciidan halkaas loo geeyay in ay kala wareegaan saldhigyo ay dhawaan ka baxeen Ciidamada ATMIS, sidoo kalena isku diyaarinayay hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta.
Dhinaca kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si gaar ah ula socota qorshe uu Axmed Madoobe xiriir kula sameeyay Khawaarijta, taas oo keentay in Khawaarijtu u ogolaato in kooxaha uu soo abaabulay ee duullaanka ku ah Ciidamada Qaranka ay soo dhexmaraan Maleeshiyaadka Khawaarijta ah.
Ficilada Qaran-dumiska ah waxa uu ku mutaysan doonaa ciqaab sharci oo adag.