Taliyihii Ciidamada Danab ee magaalada Kismaayo oo xilka laga qaaday

0
45

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa xilkii ka qaaday  Taliyihii Ciidamada Danab ee magaalada Kismaayo Gaashaanle Carab Dheeg Axmed.

Taliyahan ayaa lagu arkay warbaahinta Jubbaland isagoo canbaareynaya dowladda federaalka, isla markaana u muuqday inuu taageerayo Axmed Madoobe, waxaana lagu eedeeyay inuu siyaasad dhex galay.

Sarkaalkan  ayaa dhowaan sheegay in darajooyin ciidan oo marar badan ay codsadeen loo diiday taasi badalkeedana ay dowlada dalacsiin u samaysay  askar badan oo daraawiishta Jubbaland ee Raaskambooni iska dhiibay.