Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed oo Ankara ku kulmaya

0
50

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu maanta safar ku tago dalka Turkiga, sida ay xaqiijinayaan ilo-wareedyo muhiim ah. Safarka madaxweynaha ayaa la sheegay inuu diiradda saarayo dhowr arrimood oo muhiim u ah xiriirka diblomaasiyadeed ee gobolka.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Turkiga, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan. Socdaalkan ayaa sidoo kale la filayaa inuu fursad u noqdo wada-hadallo fool ka fool ah oo dhexmaraya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, kuwaas oo Erdoğan uu ku martiqaaday magaalada Ankara si loo xalliyo khilaafaadka diblomaasiyadeed ee labada dal ka dhexeeya.

Xogo hoose ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Erdoğan uu dhex-dhexaadin doono labada dhinac, isagoo isku dayaya inuu soo afjaro xiisadda ka dhalatay heshiiska Itoobiya la gashay maamulka Somaliland, oo dowladda Soomaaliya ay u aragto mid liddi ku ah madaxbannaanida qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay uga hor-yimid isku dayo ay madaxda gobolka ku doonayeen inay wada-hadallo kula yeeshaan Abiy Ahmed, isaga oo ku adkeystay in aan wada-hadal lagu sameyn karin illaa Itoobiya ay ka laabato heshiiskii MOU-ga ee ay la gashay Somaliland. Tani ayaa sii adkaysay xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood tan iyo markii heshiiskaas lagu dhawaaqay.

Dadaallada Turkiga ee ku aaddan dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa noqon kara mid muhiim ah oo horseeda is-faham siyaasadeed iyo xal waara oo ka yimaada xiisadda labada dal.